Ninkii Geed weyn Raba oo naagaha jeceylyihiin maanta haka faaiideesto barnaamijkaan

Bulsha:- Qofka oo cuno Cunto isku dheeli tiran waxa ay ka qeyb qaadataa in qofkaasi nolol caafimaad qabta uu galo. Cuntada waxaa ku jira, nafaqooyin, barootiinno, Faytamiinno, macdanno iyo maadooyin aan tiro lagu soo koobi karin oo waxtar weyn u leh caafimaadka guud ahaan jidhka iyo gaar ahaan qaybihiisa kala duwan. Qormadan waxaan ku soo qaadanayaa cuntooyinka ay ku jiraan maaddooyinka faa’idada gaarka ah u leh maskaxda iyo qaar ka mid ah cuntooyinka maskaxda dhaawaca soo gaadhsiin kara, waxa aanay kala yihiin:

Cuntooyinka maskaxda faa’idada u leh: Sida in badan dhakhaatiirtu ku celceliso, maadadda Choline ama asiidh duxeedka Omega3 waxa ay si muuqata u caawisaa caafimaadka maskaxda, waxa ay xoojiyaan xusuusta iyo shaqooyinka kale ee maskaxdu qabato oo uu fahamku ka mid yahay.

Cuntooyinka kale ee ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in ay caafimaadka maskaxda iyo habsami u shaqaynteeda u fiican yihiinna waxaa ka mid ah, Muuska, Hilibka lo’da, Borokooliga, Shammaamka, Hilibka digaagga, Beedka, caanaha xoolaha, Boorashada heedda ka samaysan, Liin macaanka, Baradhada, Kalluunka; gaar ahaan noocyadiisa Salmon iyo Tuunaha, Salladhka, Qamandida, shukulatada madow, afakaadhada iwm.

Cuntooyinka maskaxda dhibaatada caafimaad gaadhsiiya: Waxaa jira cuntooyin ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay khatar ku tahay habsami u shaqaynta maskaxda iyo si guud caafimaadkeeda, waxaa ku jira cuntooyin saamayn taban ku yeesha in dhiiggu si habsami ah maskaxda u gaadho, iyo in hab-dhiska neerfuhu uu si fiican shaqadiisa u guto, waxa aana ka dhasha in ay hoos u dhacdo awooddii garasho ee maskaxda iyo xusuusteedu, cuntooyinkan hoos ku taxan ayaana ka mid ah kuwaas khatarta ku ah caafimaadka maskaxda:

Cuntooyinka samayska ah ee lagu daro walxaha iyo maaddooyin u yeela dhadhan la mid ah dhadhannada dabiiciga ah ee cuntada, waxaana afka qalaad lagu yidhaahdaa, artificial Colors, Sharaabka heedda ka samaysan, sharaabka sonkorta badan lagu daro, dufanka, sonkorta, maadadda Nicotine oo ah nooca sunta ku jirta buuriga (sigaarka), cunto badan oo uu qofku cuno (Dheregga badan) iwm.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment